Dowlada Somaliya Oo Sheegtay In Ku Dhawaad 1,500 Oo Soomaali Ah Ay Isaga Soo Baxeen Suudaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,500 (Kun iyo shan boqol) oo ruux ay isaga soo baxeen Jamhuuriyadda Suudaan kaddib markii ay sii xumaatay xiisadda u dhaxeysa ciidamada is qabtay 15kii April 2023.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliy ee Suudaan, Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo daabulayo dadkaan si dib loogu celiyo Dalka Hooyo loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira Dalkaas.

Xabbad-joojinta iyo dedaallada kala duwan ee wadahadal lagu abaaburayo ayaa niyad wanaag u sameysay dadka ku dhibaateysan Jamhuuriyadda Suudaan si ay u qiimeeyaan isbaddelka ka dhici kara haddii aanay dagaal dib u billaaban.

Suudaan ayaa dhan weliba ka xayiran, dhinacyadii dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya inkasta oo meelaha qaar laga soo warriyay isku dhacyo ciidan oo aan badneen balse mar qura dareenka dadka rejo ku noolka ah welwel ku beeray.

Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daadgureeyay Jamhuuriyadda Suudaan gaar ahaan Magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soosaarayo waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

Related posts

Sheekh Umal ” Deni Iyo Axmed Madoobe Waxay Qayb Ka Yihihiin Muskilada Dalka Somaliya Haysta”

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Nin Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada PMPF

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Musharixiinta Oo War Kasoo Saaray Go’aankii Guddiga Doorashooyinka Ee FEIT

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More