Dowladda Soomaaliya Oo Soo Saartay Dignin Ku Socota Shirkadaha Diyaaradaha

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay wargelin iyo digniin ku wajahan shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya, taasoo ku aadan in aan la aqbali doonin in la rafaadiyo dadka shacabka ah ee safarka ah.

Shirkadaha ayaa looga digay in 3 saacadood ka badan aysan dadka garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin badqabka diyaaradaas.

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay dad gaaraya 50 qof ay ku dhibtoodeen garoonka diyaaradaha kadib markii ay isku dayday mid kamid ah Shirkadaha diyaaradaha in ay baaqato xili saacado badan dadkaas garoonka ku xayirnaayeen.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

“Xidhiidhkii Somaliland Iyo Beesha Caalamku Wuu Burburey” Xildhibaan Koodbuur

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Ku Guul Daraysatay Shidaalka Lamu

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More