Argaggax ka dhashay” ka dib markii Ruushku faarujiyay magaalada u dhow warshadda nukleerka ee Zaporizhzhia

Ruushka ayaa dhaliyay “argagax waalan” kadib markii uu ka baxay magaalo u dhow warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, sida uu sheegay sarkaal reer Ukraine ah. Ruushka ayaa dadka u sheegay inay ka baxaan 18 deegaan oo ku yaal gobolka Zaporizhzhia, oo ay ku jiraan Enerhodar oo u dhow warshadda, ka hor weerarka Kyiv ee la filayo. Duqa magaalada Melitopol, Ivan Fedorov, ayaa sheegay in shan saacadood ay sugayeen kumanaan baabuur ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa ka digtay “shil nukliyeer oo daran” inuu dhici karo. Rafael Grossi – oo ah maamulaha Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) – ayaa sheegay in xaaladda warshadda Zaporizhzhia “ay noqonayso mid sii kordheysa oo aan la saadaalin karin oo khatarteeda leh”.

Bayaanka IAEA ayaa lagu sheegay in “inta ay shaqaaluhu ku sii jiraan goobta” uu jiro “walaac qoto dheer oo ku saabsan xaaladaha sii kordhaya ee kacsanaanta, walbahaarka, iyo caqabadaha adag ee shaqaalaha iyo qoysaskooda”. Waxay sheegtay in khubarada IAEA ee warshadda ay “heleen macluumaadka ku saabsan in ka bixitaanka dadka deggan magaalada u dhow ee Enerhodar – oo ay ku nool yihiin inta badan shaqaalaha warshadda – ay bilaabatay”.

Jimcihii, madaxa gobolka ee Ruushka uu magacabay Yevgeny Balitsky ayaa sheegay in “maalmihii la soo dhaafay, cadowgu uu kordhiyey duqeymaha uu ku hayo degaannada ku dhow jiidda hore”. “Sidaa darteed waxaan qaatay go’aan ah inaan ka daabulo marka hore carruurta iyo waalidiinta, dadka waayeelka ah, dadka naafada ah iyo bukaannada isbitaallada,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada. .

Hay’adda IAEA ayaa horay digniino uga soo saartay badbaadada warshadan – oo Ruushku qabsaday maalmihii ugu horeeyay ee ay duulaanka qaadeen sanadkii hore – kadib markii duqeymuhu ay jareen koronatada si kumeel gaar ah, Bishii Maarso IAEA waxay ka digtay in warshadda ay ku shaqaynayso matoorrada naaftada si ay u sii wataan nidaamyada qaboojinta muhiimka ah, ka dib markii ay burbureen xadhkaha korantadu.

Related posts

Xukuumada Muuse Biixi Oo Deeq Agab Caafimaad Ah Kala Wareegtay Taiwan

Bnnstaff Bnnstaff

Feysal Cali Waraabe Oo Ku Hanjabay In Ciidamada Somaliland La Wareegi Doonaan Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynayaasha Qoorqoor Iyo Cali Guudlaawe Oo Muqdisho Kasoo Degay Kulamona Billaabay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More