Dab Xoogan Oo Ka Kacay Isbitaal Iyo Dad Jiifay Covid 19 Oo Ku Shuf Beelay Dabkaasi

Dabka ayaa ka kacay sida saraakiisha caafimaadka sheegeen qeybta deg dega ee Isbitaalka Magaalada Piatra Neamt halkaas oo ay ku jireen bukaano badan oo xaaladooda ay liidatay.

Irina Popa oo afhayeen u ah kooxaha gurmadka deg dega ee magaalada ayaa sheegtay in 7 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dabka, kuwaasi oo marka hore la isku dayay in la badbaadiyo, balse dabka ay ku dhaceen.
Irina Popa waxay tilmaantay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen bukaano karoona u jiifay marka laga reebo hal qof.

Dabka ayaa basbeeliyay labo qol oo ay ku jireen 16 bukaan oo xaalad deg deg ah ahaa kuwaas oo la liitay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo muddooyinkii dambe haayay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xukuumada Somaliya Oo Soo Saartay Amaro Ku Socda Shaqaalaha Dowlada

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata Oo Ku Dhawaaqay Feejignaan Amni Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Bnnstaff Bnnstaff

10 Sano Ayaa Kasoo Wareegtay Macluushii Nus Milyan Qof Ku Dishay Soomaaliya

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More