Maalinta Axadda ee 14-ka May, dalka Turkiga waxaa ka dhacaya doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan. Waxaa codaynaya dad gaaraya 60 milyan.
Doorashadani waa mid xiiso iyo xammaasad badan.
Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay.
Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan waxa uu ku ololeeyaa in Turkigu 100 sano jirsatay asagoo uu kaynaanka u hayo, oo dalka horumar baaxad leh gaarsiiyay intii uu hoggaaminayay.
Tusaale: Dhaqaalaha oo kor u kacay (bixinta dayntii IMF, ku biirista G20, GDP kor u kacay, wax dhoofinta oo korortay) iyo mashaariic horumarineed oo waaweyn (kaabbayaalka dhaqaalaha, tiknoolojiyadda, difaaca iyo hubka iwm).
Sidoo kale, doorashadani waxay kusoo beegmeysaa ayadoo Turkigu haatan wajahayo dhaqaalo xumo iyo sicir barar ay saameyn ba’an ku yeesheen dhulgariirkii February ka dhacay Turkiga, caabuqii COVID-19 iyo saameynta dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.
Doorashadani waa mid taariikhi iyo masiiri ah
Waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu muhiimsan caalamka ee sanadkaan 2023. Waayo natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida, gaar ahaan Ciraaq, Suuriya, Bariga Dhexe, Balkaaniska, Bartamaha Aasiya iyo Afrika.
Turkigu waa xubin NATO, quwwad soo koraysa—dhaqaale iyo ciidan ahaanba. Waxa uu kaalin soo ifbaxaysa ku leeyahay qaab maamulka dunida.
Sidaas darteed, Kalabar dunida ayay si dhow u daneynaya natiijada doorashadaan: laga soo billaabo Midowga Yurub, Maraykanka, Ruushka, Yukrayn, Carabta iyo Afrika.
Xulafooyin
Doorashadan waxaa lagu gelayaa qaab isbahaysi ah, waxaana ugu waaweyn labadaan:
Isbahaysiga Qaranka/Ummadda: Waa tan Erdogan, waxayna ka koobantahay Xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Hormarka, Xisbiga Qowmiga ee MHP iyo Xisbiyo yar yar sida Buyuk Birlik Party, Yeni Refah Party iyo HUDA-PAR.
Isbahaysiga Dadka: Waa kan mucaaradka ee Kemal Kilijdaar-Oowlu u sharraxanyahay. Rasmi ahaan waxay ka koobantahay 6 xisbi, oo ay kamid yihiin Xisbiga Jamhuuriga CHP, kan Qowmiga ee IYI Party iyo kuwa yaryar sida GELEJEK, DEVA, SACAADET. Sidoo kale, xulafada mucaaradka waxaa taageersan Xisbiga weyn ee Kurdiga ee HDP.
Musharraxiinta ugu cadcad
Labada musharrax ee tartanka Madaxweyne dhexmarayo waa:
Rajab Dayib Erdogaan: 69 sano jir, soo hoggaamiyay Turkiga 21 sano (12 sano Raysul Wasaarennimo iyo 9 sano Madaxweynenimo). Horay waxa uu usoo noqday duqa maagalada ganacsiga iyo dalxiiska Turkiga ee Istanbul.
Waa codkar madaale ah, oo aan weligiis looga adkaan doorasho uu magaciisa ku galay. Haatan waxa uu ku ololeeynayaa hoggaan lasoo tijaabiyay inuu leeyahay iyo inuu degganaan siyaasadeed iyo dhaqaale dalka u horseedayo.
Kamaal Kilijdaar-oolu: waa 74 sano jir, soo hoggaamiyay Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee CHP, kaasoo uu aasaasay hoggaamiyihii Jamhuuriyadda Turkiga aasaasay ee Mustafa Ataturk.
Kilijdaar-oolu siyaasadda kahor shaqaale-rayyid ah ayuu ahaa. Sanadkii 2002 ayuu Xildhibaan Xisbiga Jamhuuriga noqday. Sanadkii 2010 ayuu hoggaanka Xisbigaas qabtay waxa uuna ku guul darraystay—asaga iyo xisbiguusu—inay Erdogan kaga adkaadaan doorashooyin horay uga dhacay Turkiga. Waxa uu ka tirsanyahay dadka laga tirada badanyahay ee haysta mad-habka CALAWIGA ee Shiicada u dhow.
Kilijdaar-oolu waxaa lagu tilmaamaa inuusan codkar aheyn balse uu ku wanaagsanyahay koox-dhiska iyo xulafaysiga. Waxa uu ku ololeynayaa inuu Erdogan xukunka ka rido, dalkana nidaamkii baarlamaaniga dib ugu celiyo sidoo kale Turkiga ku celinayo xayndaabka Reer Galbeedka.
Arrimaha La Isku hayo
Musharaxiintu waxay isku hayaan dhowr arrimood, oo go’aanka codbixiyeyaasha saameyn ku leh:
1. Dhaqaalaha: Turkigu waa dhaqaalaha 19aad ee dunida ugu weyn. GDP-giisu waxa uu gaaraya 906 billion Doollar. Intii u dhaxeysay sanadihii 2006-2017, dib-u-habeyn ay samaysay xukuumadihii uu Erdogan hoggaaminayay waxay kor u qaadday dhaqaalaha, hoosna u dhigtay saboolnimada iyo shaqo la’aanta.
Balse, dhowrkii sano ee ugu dambeeyay kobaca dhaqaalaha Turkigu hoos ayuu u dhacay, taasoo sababtay cadaadis gudaha iyi dibadda ah. Waxaa sare u kacay badeecooyinka Turkigu soo dhoofsado, waxaa kordhay sicir bararka iyo shaqo la’aanta. Caabuqii Covid-19, dhulgariirkii horraantii sanadkaan iyo dagaalka Ruushka iyo Yukrayn ayaa saameeyay dhaqaalaha.
2.Qaxootiga iyo soogalootiga: Turkiga waxaa ku dhaqan qaxooti gaaraya 7 milyan, oo u badan Suuriyaan, Afgaanistaan iyo Pakistaan. Dhaqaala xumada dalka soo foodsaartay waxay abuurtay naceyb iyo qaxootiga in lagu eedeeyo inay culays dhaqaale dalka ku hayaan.
Hoggaamiyaha mucaaradku wuxuu ku dhawaaqay inuu qaxootiga iyo soogalootiga dalalkooda u tarxiiyo hadduu xilka madaxtinnimo ku guulaysto. Madaxweyne Erdogan dhankiisu waxa uu dhowaan sheegay qaxootiga Suuriya in dalkooda dib loogu celiyo, oo xukuumaddiisu ay wadaxaajood arrintaas la xariira la furtay nidaamka Suuriya ee uu hoggaamiyo Bashaar Assad.
3. Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Turkiga waa xubin xulafada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, muddo dheerna waxa uu ku saf ahaa dalka Reer Galbeedka. Balse Madaxweyne Erdogan waxa uu dejiyay siyaasad arrimo dibadeed,taasoo uu sheegay inay sare u qaadday magaca Turkiga ee fagaarayaasha dunida.
Waxa uu xariir la yeeshay dalalka Carabta, Afrika, Aasiya iyo Latin Amerika. Waxa uu horumariyay awooddisa difaaca asagoo abuurtay warshadaha hubka soo saara, una dhoofiyay caalamka. Waxa uu shidaal ka baaray badaha Mediterranean iyo Black Sea. Waxa uu kasoo horjeestay siyaasadda Israa’iil ee Falastiin, oo uu ku sheegay mid gumeysi iyo midabtakoor ah. Waxa uu gantaallada difaaca cirka kasoo iibsaday Ruushka, taasoo ka caraysiisay Maraykanka. Waxa uu iska diiday inuu ku biiro go’doominta Reer Galbeedka ee Ruushka kadib duullaankiisa Ukrayn. Dad badan waxay u arkaan arrimahaan inay ka leexisay Turkiga siyaasadda xulafada NATO.
Erdogaan waa difaacay siyaasaddiisa Arrimaha dibadda, asagoona sheegay in Turkigu dal madaxbannaan yahay meeshii uu maslaxadiisa ka arkana uu ka shaqeysanayo. Wuxuu ballanqaaday inuu siyaasaddaas kusii socon doono haddii uu doorashada ku guulaysto.
Hoggaamiyaha Mucaraadka Kamaal Kilijdaar-oolu wuxuu sheegay hadduu guulaysto inuu dalka xayndaabkii Maraykanka iyo Yurub dib ugu celin doono.