Boqoradda Maal-qabeenimada Iyo Quruxda Isku Darsatay Ee Uu Ninkeeda “nolosha ku aasay”

Shakereh Khaleeli waxay ahayd ” heeweeny taajir ah oo qurux badan ” waxayna ka soo jeeddaa qoysaska ugu caansan gobolka Karnataka ee koonfurta Hindiya. Laakiin sannadkii 1991-kii, gabadhan dhaxal-sugaha hodanka ah ayaa la waayay meel jaan iyo cirib ay dhigtay iyadoo loo maleynayay inay si lama filaan ah u luntay.

Muddo saddex sano ah ka dib , ninkeedii labaad ee ay guursato oo la yirahdo Murali Manohar Mishra – oo loo yaqaan Swami Shraddhananda – ayaa sheegay sheekooyin ku saabsan halka ay joogto.

Hase yeeshee sannadkii 1994-tii, haraageeda ayaa la soo saaray ka dib markii laga helay barxad ku taal gurigeedii raaxada ahaa ee ay seygeeda ku wada noolaayeen kaas oo ku yaal magaalada Bengaluru (oo markii hore la oran jiray Bangalore).

Haweeneyda dhaxal sugaha ee maal-qabeenimada iyo quruxda isku darsatay ayaa maandooriye la siiyay ka dibna waxaa lagu riday naxash alwaax ah iyada oo weli nool taas macneheedu yahay in nolol lagu aasay.

Sannadkii 2003-dii, maxkamad ayaa Shraddhananda ku heshay dambi ah inuu dilay xaaskiisii hore, waxayna ku xukuntay dil, xukunkaas waxaa markii dambe ay ayidday maxkamadda ugu sarreysa. Maxkamaduhu ayaa waxay ogaadeen ninka ujeedka uu u guursaday haweeneeyda uu ahaa inuu la warego hantideeda.

Intii ay socotay hawsha rafcaanka, maxkamadda sare ayaa kiiska ku tilmaantay ” damac xun oo uu ku dhaqaaqay nin ay weheliso xumaanta shaydaanka” laakiin waxay maxkamaddu xukunkiisii dilka ahaa u beddeshay xabsi daa’in “iyada oo aan suurtagal ahayn in laga baddelo.” Toddobaadkii hore, isla xukunkaas ayaa lagu diiday inuu tixgeliyo codsigiisa ah in lagu sii daayo sii-dayn sharafeed.

Xubnaha qoyskeeda waxay ku tilmaameen inay ahayd “qof aad u furfuran oo markasta faraxsan” oo “jecel baabuurta quruxda badan. Sidoo kale waxay ahayd qof ay bulshada ay aad jecel yihiin.

Laakiin bartamihii 1980-meeyadii, waxa ay la kulantay Shraddhananda, ninka nolosha ku aasi doono kaas oo nolosheedii isbadal weyn ku sameeyay.

Imran Qureshi oo ka tirsan BBC-da laanteeda Hindiga, oo xilligaas u shaqaynaysay Times of India ee Bangalore, ayaa sheegay in “dilkaas ay dadka aad uga naxeen sababo la xiriira qaabka loo dilay ee ah in la aasay iyada oo nool.

Xiriirkooda ayaa la sheegay in uu bilaabay in uu bilowday wax yar ka dib arooskoodii hore ee 1986-dii, waxaana la sheegay in markasta ay murmi jireen, gaar ahaan arrimaha lacagta, taas oo keentay in Shraddhananda uu maleego inuu xaaskiisa ku dilo habkaas foosha xun.

Related posts

Dowlada Uganda Oo Ciidankeeda Ku Sugan Soomaaliya Uga Digtay Weeraro Ay Sheegtay In Ay Qorsheeyeen Al-shabaab.

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Deni Iyo Ku Xigeenkiisa Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dad Dhigayey Banaanbax Oo Lagu Dhibaateeyay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More