Muuse Biixi “Dagaalka Laascaanood marna joogsan maayo waqtigii uu doono ha socdo”

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay dagaalada muddooyinkii dambe ka socday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee u dhexeeyay ciidanka Milateriga Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay in ay isku xiran yihiin, dagaaladii horey uga dhacay gobalada Waqooyi, isagoo sheegay in ay dagaaladaas hore ee kacaanka ahaayeen, kuwa uu ku eedeeyay inay Puntland soo agaasintay.
Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Somaliland uu ku eedeeyay Puntland in ay ahaayeen dadkii duqeeyey magaalada Hargeysa, haddana ah magaalada Laascaanood ay ka wadaan dagaalka, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha, inkastoo horey Puntland u sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka.

“Dagaalka Laascaanood marna joogsan maayo, inta Taako kamid ah dhulka Somaliland ay cadow kusugan yihiin ama xaduudaheeda laga joogo, ragga hadlayow dagaalkan waa soconayaa waqtigii uu doono ha socdo” Madaxweyne Muuse Biixi.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu hadalkiisa intaas kusii daray “Morgan, ayaad keenteen Laascaanood mar kale, 1988-dii baan is helnay waana ceyrsanay, haddana waan joognaa adiga iyo awoowgaaba waan idin edbinayaa”.

Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay inay qabsoomayaan doorashooyinka, isagoona tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha Somaliland ka sheegay munaasabada 18-ka May oo Maanta ka qabsoontay magaalada Hargeysa, Somaliland ayaa maalinta 18-ka May u aqoosan inay tahay maalinta ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Related posts

“Maayer Mooge Waxaan Maqlayey Inuu Aad Uga Cabanayo Naqshadaynta, Adiga Kuumataalo ”Wasir Siciid Sulub

Bnnstaff Bnnstaff

Xaguu Ku Danbeeyay Afduubkii Xildhibaan Khayre Uu Sheegay In Loogu Gaysatay Dalka Itoobiya?

Bnnstaff Bnnstaff

Taageerayaasha Kulmiye Ee Hargaysa Oo Sheegay In Kulmiye Koox Gaar Ah U Afduubanyahay Fariin Culusna U Diray Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More