Raysal Wasaaraha SoomaaliyaOo Gaadhay Magaalada Sharm El-Sheikh Ee Dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalaya shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas.

Related posts

Ciidanka Booliska Dalka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Nin Hubeysan Oo Dhac Geystay

Bnnstaff Bnnstaff

Xoghayaha Golaha wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolka Sool.

Bnnstaff Bnnstaff

Dawladda Kuwait Oo Kala Dirtay Golaha Baarlamaanka Ee Dalkaas Iyo Sababta Keentay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More