Dowlada Itoobiya Jawaab Ka Bixisay Go’aan Ka Soo Baxay Shirkii Dalalka Jaamacada Carabta

Dolwadda Itoobiya naqdisay go’aankii ka soo baxay shir madaxeedkii u dambeeyay ee dalalka Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa  arrinta biyo xireenka wabiga Niil.

War ka soo baxay Itoobiya ayaa lagu sheegay in qaraarka ka soo baxay dalalka Carabta uu muujinayo cadawtinimada Masar ee ku saabsan biyo-xreenka weyn ee korontada laga dhaliyo. Muranka arrinta biyo xireenka ayaa muddaba soo taagnaa.

Xasan Xayle oo falanqeeya arrimaha Africa iyo dalalka Carabtaoo BBC-da uwaramay ayaa yiri”Xaga heshiska Itoobiya waxay leedahay Masar iyo Suudaan 2012 ayaan heshiiskan gaarnay, kaasi oo ahaa in si siman oo cadaalad ah oo macquul ah biyaha webiga loo qeysado oo marna aysan dhibaato gasoo garin wadan kamid ah labadan wadan oo ah Suudan iyo Masar inay saamigoda biyaha ay heli jireen uusan hoos udhicin,Masar maadama la ogsonyahay inay aad ugu tiirsantahay biyaha Webiga Nile in Masar uusan marnaba dhibtaao kasoo gaarin taas ayuu heshiiska ahaa.Tan labaad Itoobiya waxay leedahahy hadii ay jiraan wax cabasho ah, waa arrin dalalka Afrika utaalla oo Midowga Afrika uu kufilanyahay in uu xaliyo Masar marna ay isku dayin in dacwadeeda la aado Jaaamacada carabta ama meel kabaxsan”

Related posts

Shirka Iskaashiga Dowladaha Masar Iyo Jabuuti Oo Maanta Furmaya

Bnnstaff Bnnstaff

Boqortooyada Sucuudiga Oo La Dagaalamaysa Tabliiqa Iyo Sababta Ka Dambaysa Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Xeer Ilaalinta Somaliya Oo Digniin U Dirtay Warbaahinta Iyo Gaadiidlayda Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More