Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Ka Furmay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Shirkan ayaa looga arrinasanayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dhameystirka dayn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.

Shirka waxaa ka qaybgalaya, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

Maamul goboleedka Puntland ayaa 9-kii Janaayo ku dhowaaqay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed xilligaas kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.

Wixii markaas ka dambeeyey labada dhinac ayaa is-dhaafsaday hadallo kulul oo warbaahinta la isu mariyey, mana jirin wax dadaallo ah oo lagu xalinayo khilaafka.

Related posts

FIFA Oo Heer Caalami U A Aqoonsatay Garoonka Stadium Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Siciid Sulub Oo Sheegey In Lasoo Afjaray Khilaaf Deegaamaysi Ahaa Oo Ka Taagnaa Gobolka Togdheer

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Baadhitaano Ku Bilawday 71 Milyan La Musuqmaasuqay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More