Waa Kumaa Hoggaamiyaha Al-Shabaab Ka Tirsan Ee Lagu “Dhaawacay” Duqeyntii Jilib?

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ay sheegtay in laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in weerarkan lagu dhaawacay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-shabab.

Waxaa uu farta ku fiiqay in uu howlgalkani ahaa mid qorsheysnaa oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxibbada caalamka.

“Weerarku wuxuu ahaa howgal muddo la qorsheynayay oo xogtiisa iyo fulintiisaba ay iska kaashadeen ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadda caalamiga ah” ayuu yiri Al-cadaala.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in weerarkan lala beegsaday nin uu ku tilmaamay in uu ahaa mid “shar-badan” oo ka tirsan hoggaanka Al-shaabab.

“Waxaa weerarka lagu beegsaday ninkaasi horjoogaha ah ee khawaarijta ka tirsan oo ah runtii ah nin shar badan oo dhib badan oo dadka Soomaaliyeed loo gaystay maleegisteeda wax ku leh, dambiyo badan oo dalka ka dhacayna horey-na uga masuul ahaa wax ugu lahaa hadsana wali ku lug lahaa,” ayuu yiri
Waa kumaa ninkan?
War ay soo saartay dowladda Soomaaliya isla markaana lagu baahiyay baraha warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu shaaciyay magaca ninka la dhaawacay ee ka tirsan Shabaab kaas oo lagu sheegay Cusmaan Maxamed Cabdi.

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay ninkan uu Shabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda, weerarkana lagu beegsaday gurigiisa oo ku yaalla Jilib.

Sida War-saxaafadeedka lagu xusay ninkaan wuxuu u ahaa shaqsiga u qaabilsan ururka Al-shabaab soo gelinta dalka dadka ajaanibta ah ee kooxda ku soo biira.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Rahmaan Yuusuf Al-Cadala oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay inay hayeen macluumaad dhameystiran ay ka hayeen sargaalkan ka tirsan Al-Shabab.

“Ninkaas maclluumaadkiisa oo dhameystiran ayay haysay dowladda Soomaaliyeed laga soo bilaabo maalinkuu dhashay, meeshuu ku dhashay, meesha uu joogay iyo meesha ilmihiisu joogaan iyo meesha xaasaskiisa joogaan, meelaha uu ka soo shaqeeyay , inta khawaarijka uu ka tirsanaa, maclluumaad dhameystiran ayaan ka haynaa” ayuu yir Mr Cadaala.Waxaa uu xusay in xilal kala duwan uu ka soo qabtay Al-Shabab meelo kala duwana uu ka soo shaqeeyay gudaha Soomaaliya.

“Ninkani waa nin Soomaali ah, Soomaaliya ku dhashay, Soomaaliya ka soo shaqeeyay , Soomaaliya ku noolaa khawaarijta ka tirsanaa ilaa 2006-dii meelo kala duwan Khawaarijta uga soo shaqeeyay mar madax ka ahaa maleeshiyaadka jabhada u yaqaaniin, mar hayay waxa ay u yaqaanaan xafiiska musaalaxada madax ka soo noqday mar gobolka Gedo u qaabilsanaa marin-haabinteeda u qaabilsanaa” ayuu yiri Mr Al-Cadaala.

Waxaa uu intaa ku daray in ninkan xitaa uu mar ka tirsanaa Golaha Shuurada iyo xafiiska gaashaandhigga ee Al-Shabaab.

“Mar waxaa uu ka soo shaqeeyay golaha shuurada waxa ay ugu yeeraan xafiiska gaashaandhiga, golaha ay ugu yeeraan Shuurada ayuu ka tirsanaa uu waqti waqtiyada ka mid ah xubin ka ahaa” ayuu intaa ku daray.

Dhanka kale Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sabtidii ay weerar ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe .

Bayaan ka soo baxay saldhigga Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM laguma sheegin in bartilmaameedku ahaa hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan iyo in kale.

“Qiimeynta hordhaca ay ayaa muujinaysa in aysan jirin dad rayid oo ku dhintay ama ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Related posts

Qisada Hooyo Yukrayniyad Ah Oo La-Kala Dooransiiyay Inay Badbaadiso Inankeeda Ama Hooyadeed

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay In Uu Golahaasi Dhawaan Ka Tagaayo.

Bnnstaff Bnnstaff

Hay’adda Xasaradaha Adduunka Oo Ka Digtay In Ciidamada AMISOM Ka Baxaan Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More