Shiinaha Oo Iska Diiday In Uu Weerar Dhanka Internetka Ah Ku Qaaday Kenya

Safaaradda Shiinaha ee Kenya ayaa beenisay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo ku saabsan in burcadda u dhalatay qaaradda Aasiya ay weerareen hay’ado muhiim ah oo ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku jirto madaxtooyada, si ay u qiimeeyaan in dalka uu bixin karo balaayiin doollar oo ay Beijing ku leedahay.

Laakiin bayaan ay soo saartay Arbacadii, safaaradda Shiinaha waxay ku sheegtay in warbixintu ay tahay “mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin”.

“Weerarada dhanka internetka ayaa ah khatar guud oo soo wajahda dhammaan dalalka.Shiinaha sidoo kale waa dhibane weerarada dhanka internetka ah,” ayay safaarada sii raacisay.

Related posts

Xiisada Faragalita Maraykanka Ee Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dhismaha Labo Saldhig Oo Cusub Oo Maanta Laga Dhagax Dhigay Magaalada Borama Iyo Masuuliyiin Ka Hadalay

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Soo Bandhigay Murashaxiinta Beelaha Gabooye Ee Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More