Maxay Ka Wada Hadleen Raysal Wasaare Xamse Iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Related posts

Maayirkii Hore Caasimada Hargaysa Oo U Jawaabay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani.

Bnnstaff Bnnstaff

“Xinif Muuse Biixi Ayuu Xisbiga Kulmiye Seled Ugu Sidaa” Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Booliska Somaliland Oo heegan buuxa la galiyay Iyo Taliye Dabo Gale Oo Fariin Culus U Diray Shacabka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More