Borama News Network

Dowlada Zambia oo xukuntay dad u dhashay Shiinaha oo galay dambio la xiriira internet-ka

77 qof oo looga shakiyay dambiyo la xiriira internet-ka oo la xiray bishii April ayaa 22 ka mid ah la xukumay.

Shirkadaha ay Shiinuhu maamulaan ee ka furan caasimadda Lusaka ayaa lala xiriiryay kiisaska dambiyada internet-ka ee kordhay dalka iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dad ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.

Jimacaha ayaa la xukumi doonaan sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Waxaa kordhay kiisaska dadka u dhashay Zambia oo lacag ugu jirtay mobilada iyo bangiyada oo waayay

Dad u dhashay dalalka Singapore, Peru, Imaaraatka Carabta iyo qeybo kale oo Afrika ah ayaa lagu dhacay internet-ka sida ay sheegeen madaxda Zambia.

Kaddib maxkamadeyn socotay toddobaadyo 22 u dhashay Shiinaha oo ay ku jirto haweeney saddax dambi lagu helay ayaa la xukumay.

Related posts

“Muuse Biixi, Xasan Sheekh wuxuu ka saxeexay waxaan Madaxweyne hore uga sexeexin ” Boqor Buur-madaw

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Ka Hadlay Muushin Ka Dhan Ah Oo Dhawaan Soo Shaac Baxay

Abdiaziz Bnnstaff

Ingiriis ayaanu ka baqan weynay ee ma Xabashi ayaynu ka baqan karnaa ba ?? Oday Yaasiin

Abdiaziz Bnnstaff