Borama News Network

Ruushka ayaa sheegay in uu taageero militeri iyo tabar siinayo Burkina Faso

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku uu u dirayo sahay militeri oo dheeri ah iyo tababarayaal Burkina Faso taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro argagixisada.

Mr. Lavrov oo booqanaya galbeedka iyo bartamaha Afrika ayaa hadda ku sugan Burkina Faso. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu horumarinayo xiriirka uu la leeyahay dalka markii uu yimid caasimadda Ouagadougou.

Burkino Faso waxaa xukumayay militeri ilaa iyo 2022-kii, waxaana dalka ka dhacaydhowr afgembi.

Ruushku waxay raadinayeen in ay kordhiyaan saameynta ay ku leeyihiin Afrika, waxayna xiriir la sameysteen dhowr dal oo militeri xukumaan.

Related posts

Deeg Deg:- Dowlada Somaliya Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Itoobiya Laga Reebay Ciidamada Ka Hawlgali Doona Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye 14 sanno oo been ah gobolnimo kuma keenayo Ee Aniga Ii Codeeya Gobolnimadiina Waa Iga Diyaar” Murashax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo diyaariyay ciidamada sugaya amniga Maalmaha Ciidda.

Abdiaziz Bnnstaff