Qeybinta Kaararka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Billaabanaya

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaar qaybinta dadkii ka qaybqaatay diiwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doonto Maanta oo taariikhdu tahay 31 bishan May.

Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaarka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaararka loo kala diray gobolada.
“Koomiishanka doorashoyinka Somaliland wuxuu ku wargalinayaa dhamaan dadkii ka qaybqaatay diwaangalinta codbixiyayaasha 2022/2023 in kaar qaybinta codbixiyayaashu ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto Somaliland 31, May, 2023, waxayna socon doontaa 10 maalmood ayaa lagu yiri” Fariin kasoo baxday koomiishanka doorashooyinka.

Inkasta oo ay bilaabantay qaybinta kaarka codbixintu, ma jiro wakhti cayiman oo la hubo in doorashooyinku ku qabsoomayaan, isla markaana muddo 9 billood ahayd oo koomiishanku hore u sheegay in doorashada madaxtooyadu ku dhacayso ayaan suuragalin.

Dhinaca kale, wali lagama heshiin doorashada hor qabsoomaysa, ta madaxtooyada iyo doorashada ururada, mucaaradka ayaa raba inta ta madaxtooyadu hor qabsoonto halka xukuumaduna rabto ta ururada hor dhacdo.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland ka taagnaa khilaaf la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo u dhaxeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka, kaas oo aan weli wax xal ah laga gaarin

 

Related posts

Dagaal Markale Saaka Dib Uga Bilaabmay Magaalada Boosaaso Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Labo Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Shacay Duleedka Magaalada Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Axmed Madoobe Oo Ka Sheekeeyay Waxyaabah aAy Farmaajo Isku Qoonsadeen Kana Hadlay Xaalada Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More