Borama News Network

Soomaaliya oo ku guuleystay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Fedderaalka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay kursi aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib doorasho ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa heshay codod gaaraya illaa 179 cod, waxaana laga rabay 124 cod si ay uga mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka oo bartiisa Twitter ee hadda loo yaqaan X soo dhigay qoraal ayaa yiri, “179 cod ayay Soomaaliya ku gudubtey waxaana laga rabay 124. Waxa ay Soomaaliya ka mid noqotay golaha ammaanka 2025 -2026. Guul iyo dabaaldeg weyn ayaa inoo sugnaatey.”

Guusha maanta u soo hoyatay ayaa ka dhigan in Soomaaliya markii labaad ay ku guuleysanayo, iyada oo markii ugu horreysay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972, xilligaan waxa ay Soomaaliya taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Related posts

Raysal Wasaare Xamse”Madaxweynaha Ayaa Wax Dhan Iska Heysta Dadka Dhahaayo Waa Beentood”

Abdiaziz Bnnstaff

Dalka uu baraku ka qaalisanyahay rootiga iyo caanaha iyo kuleyl loogu dhintay

Abdiaziz Bnnstaff

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray Digniin Culus a Udiray Xisbiya Iyo Ururada

Abdiaziz Bnnstaff