Borama News Network

Ugu yaraan 15 ruux oo carruur ay ku jirto oo ku geeriyooday Duqayn Israaiil ka fulisay Bartamaha Gaza

Ciidanka Israaiil ayaa kordhiyay duqaynta arxan-darrada ah ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, saacadihii ugu horreeyay ee Jimcaha maanta ah ayay duqayn ay ka fuliyeen bartamaha Magaaladaas ay ku dileen ugu yaraan 15 ruux oo carruur ay ku jirto.

Teleefishanka Aljazeera ayaa baahiyay xogta duqayntaan isaga oo soo xigtay ilo kala duwan oo ay kamid yihiin dhinacyada caafimaadka waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro kale oo lagu baxnaaninayo goobaha isbitaallada macmalka ah laga dhigay.

Cabsi xooggan ayaa soo wajahday qaar kamid ah dadkii ku sugnaa meelaha aanay ka fogayn goobaha ay duqeeyeen ciidanka Yuhuudda, diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka loo yaqaan iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa gantaallo culus ku beegsanaya Magaaladaas.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay Magaalada Gaza ayaa soosaaray warbixinno ay walaac uga muujinayaan duqaynta aan loo meel dayin ee ciidamada Israaiil ay ku beegsanayaan Magaaladaas iyaga oo ku baaqay in xal loo helo weeraradaas.

Wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 waxa ay ciidamada Israaiil ay gaysteen dambiyo kala duwan iyaga oo dilay Dad u badan rayid kuwaas oo isugu jiray Carruur, Haween & Dad da’ ah kuwaas oo awoodi waayay in ay isaga baxaan guryahooda.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh: “Iskaashiga Afrika & Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha Dal kale”.

Abdiaziz Bnnstaff

Iran Daldashay Rag Lagu Eedeeyay In Ay Qorsheeyeen Qarxinta Warshad Hubka Sameysa

Abdiaziz Bnnstaff

Israa’iil oo weerar baahsan ku qaaday Daanta Galbeed ee lahaysto

Abdiaziz Bnnstaff