Qarax ayaa goordhow ka dhacay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Weriyeyaasha BBC ee Muqdisho waxay sheegeen in sidoo kale ay rasaas ka socoto goobta uu qaraxa ka dhacay.
Labo qarax ayaa ka dhacday maqaayad ku taal xeebta Liido oo horey loo dhehi jiray Ocean view, haddana lagu magacaabo Pearl. Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in rasaas xoogan ay ka socoto goobta.
Warbahinta dawladda ayaa sheegaysa in ay ciidamada amnigu galeen goobta isla markaana ay dad kasoo badbaadiyeen.
wax tiro ah ayaan weli la sheegin, dhimasho, dhaawac amaba dadka lasoo badbaadiyey.