Dowlada Qatar Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Arimaha Somaliya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar ayaa Magaalada Dooxa kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Qaramada Midoobey kuna saleysan dhinacyo kala duwan.
Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar James Swan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xiriirka Iskaashi eek a dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa isla gartay xoojinta xiriirka Qatar iyo dowladda Federaalka, isla markaana ay gacan weyn ka geysato horumarinta dalka, waxaana kulanka ay wada qaateen dhinacyada laga soo xigtay Wakaaladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn weyn iyo door siyaasadeed oo maxalli ah ku leh Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxaana labada dowladooda ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maareeyaha Hayada Duulista Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Joogtada Ah Ee Gaolaha Guurtida

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Dishay Hoggaamiye Ka Tirsan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Ma La Odhan karaa Sucuudigu Wuu Aqbalay Miisaanka Siyaasadeed Ee Shiicadu Khaliijka Ku Leedahay?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More