Borama News Network

Heer Kulka Dalka Cumaan Oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Oo Ah 50 Digrii Iyo Digniino Loo Diray Bulshada

Dalka Cumaan waxaa ka jira kul xooggan oo waxaana xaraaradda cadceeddu gaartay 50 Digrii, waxaa joogsaday isu socodka Dadka halka meelaha qaar xoolihii la dhaqanayay dusha looga shubayo biyo si loo qaboojiyo.

Muuqaallo ku faafay baraha Bulshada waxaa ka muuqday Tiro Geel ah oo meel la isugu geeyay kaddibna lagu shubo biyo xooggan si dusha sare loogu qaboojiyo halka Gaadiidka Dadka la socda ay isticmaalayaan Mukeefka ku xiran.

Isbaddelka dhinaca Cimillada ayaa loo sababaynayaa in kuleelka badan dhaliyeen waxaana dib u dhacay roobkii waqtigaan oo kale ka da’i jiray Dalkaan Carbeed ee Cumaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha u xilsaaran la socodka isbaddelkaas cimillada.

Dalalka qaar ee Carbeed waxaa dhowaan saamayn taban ku reebay Daadad ka dhashay roob macmal ah oo Dowladahaas isku dayeen in ay samaysteen si ay isugu qaboojiyaan balse musiibo saamaysay ayuu ku noqday roobkaas.

Khubarrada qaar ayaa ku dooday in kulka badan uu sabab u yahay qaboojiyeyaasha lagu xiray Goobaha Ganacsiga & dhismaha kala duwan oo qaboolka u gudbaya goobahaas baddelkiisa bannaanka usoo bixiya kuleel badan sida ay hadalka u dhigeen

Related posts

Daawo:- War Murtiyeed Ay Maanta Soo Saareen Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ay Haleen Arimo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Martigelinaysa Shirka Nabadgalyada Afrika Oo Arrimo Badan Horyaallaan

Abdiaziz Bnnstaff

“Wasiiro tiktok iyo social media isticmaalayaa xaaladda dalka waxba kama qaban karaan” Xildhibaan Abdimaalik

Abdiaziz Bnnstaff