Dekreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xil ka qaadista ayaa lagu sheegay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Guddoomiyaha Xilka laga qaaaday ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , ayaa Muddooyinkii dambe waxaa uu horkacaayay ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa dib u xoreynta ee gobolka Hiiraan kuwaas oo daagaal kula jiray Alshabaab .