Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyay Guddiga Madaxa Banaan Ee La Dagaalanka Musuqa

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana Guddigaani ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo la dagaalami doona Musuq-maasuqa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha oo lhoray loogu gudbiyay.
Ansixinta Xubnaha kadib ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka Cabduqladir Maxamed Jaamac Ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in Guddigani ay shaqadooda qabsan doonaan, ayna tahay mid loo baahnaa in la ansixiyo.

xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxa horay usoo gudbiyay Wasiirka, Golaha Shacabka ayaana mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka Cabduqladir Maxamed Jaamac uu si weyn ugu mahad celiyay Xildhibaaanada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dagaal Dib Uga Qarxay Gobolka Tigreyga Ee Dalka Itoobiya Iyo Dad Ku Dhintay Dagaalka Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Deegaanka Somalida Oo Taageeray Dagaalkii Ay Itoobiya Ku Qaaday TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Musharixiinta Oo Kasoo Horjeestay Go’aan Kasoo Baxay Dowladda Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More