Wasaaradda Amniga Somalia Oo Digniin Kasoo Saartay Hubka Sharci Darrada Ah

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa awaamiir adag kasoo saartay hubka sharci darrada ah ee aan ka diiwaan gashaneyn wasaaradda, kadib War-saxaafadeed ay Maanta Wasaaradda soo saartay .

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in sharciga uusan ogolaaneynin in hub sharci darro ah lagu dhex heysto hoyga, xafiisyada shaqada iyo goobaha ganacsiga, sidoo kalena aan la ogoleynin ka ganacsigiisa, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

Qoraalka Wasaaradda Amniga ayaa lagu faray hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato oo ay isku ilaaliso inay ku waajib tahay in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga, iyagoona intaas kusii daray in cid kasta oo sharciga jebisa tallaado laga qaadi doono.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda.
“Muwaadinka xushmadda iyo qaddarinta mudanoow sharcigu kuuma ogolaanayo inaad hub/rasaas ku heysato, hoygaaga, xafiiskaaga shaqada, goobtaada ganacsi ama gaadiidkaaga dhexdiisa.

Sidoo kale sharcigu kuuma ogolaanayo ka ganacsiga, soo dejinta iyo dhoofinta hubka.

Dhamaan falalkaasi waa dambi, qofkii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa.

Hubka iyo rasaastu waa in ay gacan dowladeed oo qura ku jiraan, Sidaa awgeed Qofkii, hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato in ay isku ilaaliso waxaa ku waajib ah in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga Gudaha.

Muwaadin ka digtoonoow in aad sharciga jebiso oo aad ciqaab mudato.

Related posts

Sida Ay Dunidu Uga Fac Celisay Geerida Laacibkii Diego Maradona

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Haayada Caymiska Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Dhigiisa Dalka Qatar Kala Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More