Dowladda Somaliya Oo Sheegtay In Howlgal Lagu Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgal qorsheysan ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Shabeelloyinka iyo Hiiraan.

Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa shegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo aay Gobolada Hiiraan & Shabeellooyinka ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Taliyaha in Ciidamada DANAB ay howlgalka ku qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah, Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali , Madixii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcade Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madixii Sakawaadka Al-Shabaab ee Gobolada Shabeelloyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Ugu dambeyn Taliyaha Ururka 4 Aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan waxaa uu sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay weli ku sugan yihiin ee gobolada dalka.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska DANAB ay howlgal ka sameeyeen degaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha hoose, howlgalkaas oo Saraakiisha
Ciidamada ay sheegeen inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Borama:- Nuxurka Qudbad Uu Maanta Faysal Cali Waraabe Ka Jeediyay Madal Xisbiga Ucid Ku Gudoomay 12 Murashax

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Qorshe Dhexdhexaadineed Oo Uu U Gudbiyay Qoorqoor

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalo Jab Dagaal Kaga Badbaadday Taleefan Ay Haweeney Soo Dirtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More