Borama News Network

Maxay kawada hadlayaan Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Raysal Wasaaraha Norway Jonas Gahr Støre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Jonas Gahr Støre.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Norway kala hadli doonno xoojinta xiriirka labada Dal, garab istaagga Xukuumadda Oslo ee dhanka Soomaaliya sida dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo qodobo kale.

Norway ayaa martiqaad u samaysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu kamid noqday Madaxda ka qaybgalaysa shirka looga hadlayo Nabadda ee 11ka Juun ilaa 12ka Juun ka socon doonna Oslo

Geesta kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu la kulmi doonnaa qaar kamid ah Madaxda lagu casuumay Shirkaan iyaga oo kawada hadli doonna xiriirka ay wadaagaan iyo xaaladaha labada dhinac.

Related posts

Isreal Oo Weerar Dhanka Dhulka Ah Ku Qaaday Lubnaan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ku Baaqay In Si Wada Jir Ah Loo Difaaco Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Masuul Naftiisa Ku Waaayay Askari Uu Kursi Ka Kiciyay Faahfaatinta Siday Wax U Dheceen Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff