Cumar Cabdirashiid Iyo Gaas Oo Tegay Garoowe Kuna Dhawaaqay Hadal Kulul

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Waasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Wasiirro hore iyo siyaasiyiin kale oo isbeddel-doon ah ayaa soo gaaray Garoowe.

Mas’uliyiin kala duwan, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa Siyaasiyiintaan kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, iyada oo la geeyay goobo loo diyaariyay.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo dhaweyn kadib hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay inay halkaasi u tageen inay Puntland badbaadiyaan.

Maalmaah soo socda ayaa waxa lagu wadaa in ay u furmaan shirar looga hadlayo doorashada Puntland ee 2024 iyo sidii loo xalin lahaa xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe.

Related posts

Kooxo Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Jaamacada Camuud Oo Faahfaasay Qaabkii Uu U Dhacay Dilkii Ardaygii Lagu Dilay Jaamacada Camuud

Bnnstaff Bnnstaff

Khasaare Ka Dhashay Bad Xalay Ka Kacay Magaalada Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More