Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Itoobiyaan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee ismaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalmeyaal ka tirsan kooxda Al Shabaab ay weerar la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Rabdhuure iyo waajid ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax lala eegtay kolonyo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, balse warbaahinta ku hadasha afka Al shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen “saldhigyo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen degmada Xudur.” ayey sheegteen Al Shabaaab.

Dhinaca kale waxay sheegteen in ay weerarro ku qadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo ATMIS ku leeyihiin degmooyinka Qoryooleey, Janaale iyo Baraawe oo kawada tirsan Sh/hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda, balse wixii kasoo kordha halkan ayaan idiinkusoo gudbin doonnaa.

Related posts

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sheegay In Koronto La aan U Furmi Waayay Shirkii Golahu

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Dood Kulul Oo Ku Saabsan Loo Lanka Shir Gudoonka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dr Cabdiraxman Bayle Oo Ka Sheekeeyay Siyaabaha Ay Ku Timid Dayn Cafinta Somaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More