Borama News Network

Maxaa sanadkaan ku cusub Xujayda gudanaysa Rukniga 5aad ee Arkaanta Islaamka?

Xajka waa Rugniga 5aad ee Tiirarka Islaamka, waxa uu ku waajibaa qofka awooda noloshiisa oo dhan hal jeer, Sanad weliba waxaa Soomaaliya kasoo xajiya kumanaan ruux oo isugu jira Rag iyo dumar.

In ka badan 1.2 Milyan oo xaaji oo dalal kala duwan kasoo kala jeeda ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga iyaga oo acmaasha si toos ah u guda-galaya acmaasha Xajka Alle, waxaana heegan la geliyay adeegayaasha kala duwan ee Boqortooyada Sacuudiga u diiwaangashan.

Kulka waxa uu u dhaxeeya 39°C (Digrii) ilaa 44ºC (Digrii), bilaha June oo haatan aan ku jirno, July & Augusto waa saddexda bil ee ugu kulul dhanka Cimillada Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda ugu wayn ee Xujayda Soomaalida dusha saaratay, xubno katirsan Wasaaraddaas ayaa taga boqortooyada Sacuudiga si ay uga warqabaan xujaydaan.

Xujayda Soomaaliyeed waxaa ku baxa lacag dhan $5,530 inkasta oo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ay sheegtay in ay kasii dhintay lacagtaas.

Sanadkaan 1445 Hijriya oo waafaqsan 2024 marka la eego dhanka Cimillada Sacuudiga waxaa jira kul saamayn taban ku reebay magaalooyin badan, boqortooyada ayaa sii diyaariyay qaboojiyeyaal iyo agab kale oo loo adeegsan karo si cimilladaas diirran loo qaboojiyo xujayda.

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansoor ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ay amar ku bixiyeen in aan la kordhin lacagaha Xajka ee Xaajiga laga qaadayo.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Sanadkaan wax badan ka baddeshay nidaamkii xajka loo tagi jiray iyo waqtigii ay u xaroonayeen xujeyda, waxaana lasoo kordhiyay qalabka lagu hubinayo kaararka ama ruqsadda xaajiga uu haysto.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudiga ayaa meel adag ka istaagtay Haweenka Iqaamada ama ruqsadda haysta ee xujayda raashinka u Karin jiray halka sidoo kale dadka gudaha kasoo xajiya ee xujeyda kale ku milmi jiray ay diiday boqortooyadu.

Waxaa kale oo laga reebay Dadka faraha Sacuudiga ka yaalla ee qaarkood horay looga soo tarxiilay Dalkaas, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ayaa xujayda ku xoojisay in aanay Dadkaas xajka aadin oo boqortooyada Sacuudiga diiday in muddo 10sano gudahood kusoo xajiyaan.

Sanadkii hore dad badan ayaa la qabtay dad fara ka yaalla boqortooyada Sacuudiga balse sanadkaan ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS fartay Dadkaas in aanay lacagahooda gubin ama beel-darayn.

Shirkado kusoo baxay tartan Wasaaradda Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaatay daabulista & dib usoo celinta Xujayda, ka shaqaynta basaska lagu qaadayo iyo goobaha la dejinayo iyada oo Wasaaradda si dhow uga warqabi doonto oo Dadka dhex tagi doonto.

Related posts

Madaxwayne Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka oo bam ku dhiftay guri ku yaalla Kharkiv Iyo Tarada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Maanta Furaya Kal Fadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Somaliya Iyo Qudbad Xasaasiya Oo Laga Filayo

Abdiaziz Bnnstaff