Dowlada Pakistan Oo Ballanqaaday Inay Qaadici Doonto Alaabaha Lagu Sameeyo Faransiiska

Taageerayaasha wadaadka mayalka adag ee Pakistan ee xiray waddooyinka gala caasimadda Pakistan ayaa waxay ogolaadeen in waddooyinka ay furaan kaddib markii dowladda ay ballan qaaday inay qaadaci doonto badeecadaha uga yimaado dhinaca Faransiiska isla markaana ay dalka ka eryi doonto safiirka Faransiiska u fadhiya Pakistan, waa haddii baarlamaanka dalkaas ay ansixiyaan.

Dadkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay dibadbaxyo ka dhigayay halkaas, waxay ka careysnaayeen wargesyka laga leeyahay Faransiiska ee Charlie Hebdo kaas oo dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay nebi Maxamed N.N.K.H.H.

Jahwareerkii baahsanaa ee haleelay dadka degan magaalada Islamabad, oo bilaabmay Axaddii, ayaa soo afjarmay – iyada oo wadooyinki dib loo furay adeegii teleefoonadada dib loo soo celiyey.

Goobjoogayaal badan ayaa shaki ka qaba in safiirka Faransiiska dhab ahaan la eryi doono – iyaga oo soo jeedinaya in heshiiskan uu noqonayo tallaabo asturid ah, dhanka kalena u oggolaaneyo dibadbaxayaasha inay dib u joogsadaan

Si kastaba ha noqotee, dadka wax naqdiya, ayaa sheegaya in dowladdu ay dhiirrigelinayso kooxda mayalka adag, ee loo yaqaan ‘TLP’ – oo laba mudaaharaad oo kale oo waaweyn ku qabtay aaggaAS sannadihii la soo dhaafay.

Tiro ka mid ah dalalka Muslimiinta ayaa arkay dibadbaxyo toddobaadyadii la soo dhaafay – oo ay ku muujinayaan caro ay Ka qabaan majaladda Faransiiska ah ee Charlie Hebdo, iyo Madaxweynayaasha Faransiiska oo ay ku eedaynayeen jees jees diimeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daraasad Cusub Cabidda Joogtada Ah Ee Caanaha Oo Ay Ragga Ka Qaadaan ‘Cudur Halis Ah’

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Warbixin Xasaasiya Ka Soo Saaray Jabkii Ka Soo Gaadhay Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- Dood Wadaag Dhex Maretey Waftiga Madaxweynaha Jaaliyada Somaliland Ee Mareykan Iyo Khubaro Caalami Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More