Borama News Network

Akhriso:- 5 Qodob Oo Kahor Imaanaya Fasiraadda Muuse Biixi Uu Ka Bixiyay Heshiiska Badda

Ridwaan Xuseen oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si ka duwan faah-faahintii uu dhowaan bixiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka bixiyay heshiiskii ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

Waraysi gaar ah uu siiyay Warbaahinta ku hadasha Afka Itoobiya isaga oo ku hadlaya Afka Amxaariga ayuu kaddib tarjumay Teleefishinkaas oo waxa uu u rogay Afsoomaali si ay u fahmaan Dad badan oo la socda heshiiskaan.Shan qodob oo ugu muhiimsan heshiiskaas ayuu ka bixiyay fasiraad dhinac kale u jihaysay hadalkii uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi taasi oo keentay hadal-hayn cusub iyo falcelin kale.

Qodobka 1aad:

Waxa uu Ridwaan Xuseen sheegay in Muuse Biixi Cabdi ay ku heshiiyeen dhul & bad oo ka billaabanayo Xadka dhuleed ilaa inta ku aaddan badda taasi oo uusan marnaba soo hadal qaadin Madaxweynaha Somaliland markii uu ka hadlayay heshiiskaas.

Qodobka 2aad:

In Aqoonsi u raadinta Somaliland laga wadahadli doonno oo keliya marka ay Somaliland saxiixdo heshiiska bixinta dhulka & badda, qodobkaan ayaa sidoo kale jiho kale u diray hadalladii kasoo baxay Xukuumadda Muuse Biixi oo ay uga hadashay arrintaan.

Qodobka 3aad:

Ridwaan ayaa carrabka ku dhuftay in aanay weli saami Somaliland laga siin shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya Airlines oo dhowaan wasiirro katirsan Xukuumadda Muuse Biixi ay sheegeen in saami laga siiyay shirkaddaas.

Qodobka 4aad:

Lataliyaha amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa qodobkaan waxa uu shaaciyay in aanay jirin heshiis laga gaaray lacagta kiraynta dhulka iyo badda oo mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Biixi ay sheegeen in dhaqaale badan ay ku helayaan.

Qodobka 5aad:

Qodobkaan waxa uu meesha ka saarayaa xadidaadda dhulka heshiiska uu ku shaaciyay Muuse Biixi oo ah 20 KM Balse Riwdaan Xuseen waxa uu si cad u tilmaamay in dhinaca Lughaye ay ka doonayaan Somaliland laguna xiri doonno ilaa xuduudda dhuleed oo ka badan karta cabirka la shaaciyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin ka dhan ah heshiis beenaadkaas oo waxa ay digniin u dirtay Xukuumadda Abiy Ahmed si ay u dhowrto madaxbannaanida dhuleed iyo wadajirka kana fogaato wax weliba oo dhaawici kara.

Related posts

Suxufiyiin ka tirsan TV-ga MM oo qabtay dood ku saabsan Is Afgarad kii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo Hargeysa lagu xiray

Abdiaziz Bnnstaff

Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa Oo Weerar Culus Ku Qaaday Baraha Bulshada Ee Ay Isticmaalan AS Digniina U Dirtay Shacabka

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo, Ayaa Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff