Taliyayaasha Sirdoonka Somaliya Iyo Talyaaniga Oo Kulan Ku Wada Qaatay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Manata waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga Gen. Giovanni Caravelli, iyadoona soo dhaweyn loo sameeyay.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daajir ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka dowladda Talyaaniga iyo xubo saraakiil ah oo la socday

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta rasmi ah Twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Taliye Fahad Yaasiin iyo Gen. Giovanni Caravelli looga hadlay sare u qaadida iyo xoojinta xiriirka iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac” ayuu yiri Qoraalka Hay’adda NISA

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Baladwayn Oo Ay Xiisadi Ka Taagantahay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Oo ka Qaybgalay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Milatariga Somaliland Oo Beeniyay Wararka Sheegayay In Ay Baneeyeen Jiida Hore Ee Tukaraq

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More