Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga qeyb galay magaalada Roma, kaasoo ay hey’adda FAO.
Shirkani ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii loola tacaali lahaa cunno yarida iyo nafaqo darida ka jirta dunida, iyo sugnaanta cuntada,
Wuxuu soconayaa shirkani saddex maalmood.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu ka hadlo shirkani.
Waxaa jira Kulan saddex geesoodkaas, oo dhex marey madaxda Talyaaniga iyo hoggaamiyeyaasha Africa.
Waxay ra’iisal wasaaraha Talyaaniga gaar ula kulantay madaxdii ka socotay Geeska Afrika, oo uu kamid yaha Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya, iyo madax kale.
Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ee haatan, Georgia Meloni, ayaa katirsan xisbiga garabka Midig.
Meloni ayaa ku dadaalaysa iney dib usoo celiso galaan galkii uu Talyaaniga ku lahaa qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika.