Borama News Network

Askari Kenyan Ah Oo Rasaas Ku Furay Garsoore Ridday Xukun Isaga Ka Dhan Ahaa

Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii uu rasaas ku furay Garsooraha Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Kormeeraha sare ayaa rasaas ku furay garsooraha maxkamadda Makadara Monica Kivuti wax yar ka dib markii ay go’aan ka gaartay kiis la sheegay in ay ku lug lahayd xaaskiisa.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka carooday go’aanka maxkamadda.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Samson Kipchirchir Kipruto, isla markaana masuul ka ah Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Londiani ee Galbeedka dalka Kenya, ayaa waxa uu la soo baxay qori, ka dibna uu toogtay Garsoorihii Maxkamadda.

Askartii kale ee maxkamadda joogtay ayaa markiiba jawaab ka bixiyay, iyadoo mid ka mid ah uu toogtay askariga dilka geystay.

Intii ay hawsha socotay, saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay warbixin booliisku soo saaray.

Garsooraha iyo saraakiisha dhaawaca ah ayaa lagu daweynayaa isbitaalka.

” Isla markii go’aankan waa lagu dhawaaqay, qof ayaa toogtay garsooraha oo dhaawac ka soo gaaray sinta,” ayaa lagu yiri bayaan.

Dhacdadaan oo ka dhacday gudaha maxkamada ayaa noqotay mid aad uga naxay dadka Kenyaanka ah.

Related posts

Madaxwayne Isku Shaandhayn Balaadhqn Samee” Dhalinyarada Garxajis Oo Fariin U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Saamaynta Uu Weerarka Aargudashada Ah Ee Iran Ku Yeelan Doono Danihiisa Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo La Tukaday Shacabka Magaalada Hargeysa Dhambaal Hambalyo Ahna Diray

Abdiaziz Bnnstaff