Borama News Network

Finland oo tuhunsan in diyaaradaha Ruushka ay hawadeeda kusoo galeen si sharci darro ah

Ilaalada xudduudaha Finland ayaa sheegay inay hadda tuhunsan yihiin afar diyaaradood oo laga leeyahay Ruushka inay ku soo xadgudbeen hawada Finland Isniintii.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa horay u sheegtay in hal diyaarad oo looga shakisan yahay in laga leeyahay dalka Ruushka ay soo gashay hawada Finland, iyadoo halkaasi ku sugneyd muddo labo daqiiqo ah.

Ilaalada xadka ayaa ka shakiyay labo diyaaradood oo wax duqeeyay iyo labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

Xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Helsinki ayaa aad u xumaaday ka dib weerarkii Ruushka ee Ukraine, taasoo keentay in Finland ay ku biirto NATO.

Related posts

“Cabdiraxmaan Cirrooy Car Doorasho Ayanan Ku Heshiin Dalka Haka Dhacdo….”Gud Rooda Cabdi Muuse.

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay wejiga labaad ee xabbadjoojinta Qasa ee ay ka wada hadlayeen Netanyahu iyo Trump?

Abdiaziz Bnnstaff

Nin rubuc qarni ka badan la weysanaa oo la helay isagoo ku afduuban guri dariskiisa ah

Abdiaziz Bnnstaff