Puntland Oo Dowlada Fadaraalka Ku Eedeysay Inay Isbaaro u Dhigatay Deeqaha Loogu Talo Galay

Maamulka Puntland ayaa sheegay un Dowladda federaalka Soomaaliya in ay isbaaro siyaasadeed u dhigatay mashaariicda horumarineed iyo deeqaha Caalamiga ah ee magaca Soomaaliyeed lagu bixiyo.

Wasiirka Maaaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Garowe, xilli ay hareero taagnaayeen Wasiiro katirsan Maamulkaas.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad waxa uu ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya, in ay hub ku iibsaneyso dhaqaalaha loogu talo galay in ummadda Soomaaliyeed wax loogu qabto.

Wasiirka maaliyadda Puntland wuxuu kaloo sheegay in Dowladda federaalka ay mashaariicda siiso hay’addo aan la aqoon, isla markaana Arrintaas ay keenayso in mashaariicda waawayn ee dhaqaalaha badan uu ku baxo, ay noqdaan kuwa aan laga helin waxtarkii loo baahnaa.

Eedeyntaam ayaa ku soo aadeysa xiili Puntland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo aan weli xal loo helin.

Related posts

Akhriso:- Qaabkee Ayuu Shiinaha u Xadaa Xogta Sirta Ah Ee Mareykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Gabilay Waxaa La Dagaalamaya Xisbiyada Mucaaridka Ah” Maayirka Gabilay

Bnnstaff Bnnstaff

Maayarka Hargeysa “Waxaan Rajaynaa In Bari Shacabku Nabadooda …

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More