Haayada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Ee NISA Oo Sheegtay Inay Fashilisay Weerar Is-Miidaamin Ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay deegaanka Ceelasha-Biyaha ku qabatay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan deegaanka Ceelasha-Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa, waxaana la dilay darawalkii waday kadib markii uu isku dayay inuu baxsado.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga ay NISA ku leedahay shabakadda X oo hore u aheyd Twitter.

“NISA waxaa ka go’an ka hortagga iyo fashilinta dhammaan qorshayaasha ay argagixisadu isku dayaan inay dadka ku dhibaateeyaan.” ayuu raacisay qoraalkan.

Sawirada gaarin iyo muuqallo waxyaabaha qarxa ayaa sidoo lagu soo bandhigay bogga NISA.

Related posts

Qaramada Midoobay Iyo Howlgalka ATMIS Oo Ka Shiray Xaaladda Amni Ee Soomaaliya.

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Geelle Iyo Raysal Wasaare Xamsa Barre?

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dhacdadii Shalay Ee Gacan Libaax Masuuliyada Dagaalkaasna Dusha U Saaray Madaxwayne Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More