Dhalinyaro Somaliyeed Oo Lagu Laayay Gobolka Woqooyi Bari Kenya Iyo Tirada Dhalinyaradaasi Oo La Shaaciyay

Kooxo hubeysan ayaa lix dhalinyaro ah oo Afar ka mid ah Arday ay ahaayeen waxaa ay ku dileen duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ardayda ayaa kusii jeeday degaanka xilliga la dilayay degaanka Huluqo si ay ehelkooda ay waqtiga fasaxa ula soo qaataan, waxaana lala dilay Darawalkii Gaariga ku waday iyo qof la socday.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dilka Dhalinyaradaan uu la xiriiro aanooyin qabiil oo ka jira meelo kamid ah dhulka Gobolka Waqooyi Bari.

Cadow Cumar Saciid oo ah Xildhibaanka laga soo doortay degaanka Huluqo oo Dhalinyaradaan ay u socdeen ayaa ka tacsiyadeeyay.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa dido kale sheegaya in mid kamid ah maleeshiyaadkii dilka geystay gacanta lagu dhigay sidoo kalena kuwa haray ay ka raadjoogaan laamaha Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Related posts

Booliska Gobolka Banaadir Oo Hawlgalo Balaadhan Ku Baacsanaya Dhalinyari Fowdo Ka Samaysa Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Bangig Aduuna Oo Dowlada Somaliya U Ansixiyay Lacag Malaayiin Dolar Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Duqeymo Uu Ka Fuliyay Soomaaliya Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More