Dowlada Sweden Oo Soo Masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia Iyo dalal kale

Xukuumadda haatan ka jirta dalkaasi Sweden ayaa adkeysay Siyaasadda socdaalka Muhaajiriinta iyo soo-Galootiga ku sii qulqulayo gudaha dalka Sweden.

Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden (Migrationsverket) ayaa sheegtay in la soo masaafurin doono Kumanaan Qaxootiga la diiday Codsiyadooda Magangelyo-doonka, kuwaasi oo go’aansaday inay iskooda ugu laabtaan dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Tirada Qaxootiga ugu yar ee la soo taxiili doono ayaa ka soo jeeda dalka Soomaaliya, halka Tirada ugu badan ay ka soo kala jeedaan dalalka Iraq, Iran iyo Afghanistan.

Waddanka Sweden oo ay ku nool yihiin ilaa 9.8 million oo qof ayaa ka mid ah dalalka Europe ee qaatay Tirada ugu badan Qaxootiga ku qulqulayo Qaaradda Europe.

 

Related posts

James Swan “Musuq-Maasuqa Wuxuu Caqabad Ku Yahay Dowlad-Dhisidda Iyo Nabadda”

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Deegaanka Somalida Oo Dayactir Ku Samaysay Wadooyinka Muhiinka Ah Ee Jigjiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Iran Iyo Mareykanka Oo Is-Dhaafsaday Maxaabiis Iyo Lacag Dhan $6 Bilyan Oo Dolar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More