Borama News Network

Australia iyo Shiinaha oo hagaajinaya xiriirkooda diblamaasiyadeed

Ra’isulwasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa Isniinta maanta ah ay booqasho uga billaabatay dalka Australia, booqashadaas oo noqotay tii ugu horreysay oo uu ra’isulwasaare Shiinees ah ku tago Australia muddo 7 sano ah.

Li Qiang wuxuu isla maanta la kulmay ra’isulwasaaraha Ausrtalia Anthony Albanese, iyaga oo wada hadlay xiriirka ganacsi, ammaanka gobolka iyo qoraa u dhashay Australia oo ku xiran Shiinaha.

Li, oo ah shakhsiga labaad ee ugu sarreeya Shiinaha marka laga yimaado madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqashadiisa Australia loo arkaa mid calaamad u ah xasilinta xiriirka labada dhinac, kaddib mad-madow dib-lamaasiyadeed oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaas oo ku qotomay xannibaad ay Beijing saartay badeecad lagu qiyaasay ilaa $20 bilyan oo dollar oo ay Australia u dirto Shiinaha iyo sidoo kale khilaaf ku saleysnaa arrimaha difaaca.

Ra’isulwasaaraha Australia ayaa wariyaasha u sheegay in ay “ay soo dhaweynayaan xasilinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee sii socda. Wadahadalkan ayuu ku sheegay mid u ogolaaday inay dhinacyada dhisaan wacyigelin qoto dheer oo ku saabsan danahooda,”

Related posts

Dalalka Iran Suuriya Iyo Ciraaq Oo Ka Hadlay Duqeymaha Mareykanka Uu Ka Fuliyay Dalalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Muuse Biixi Waa Lagula Xisaabtamayaa Dalkii Iyo Ciidankii Uu Burburiyay” Ex Wasiir Cadaani

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Fariimo Kala Duwan U Diray Somaliland Iyo SSC Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff