Akhriso Taariikh Nololeedka Raysal Wasaaraha Cusub Ee Farmaajo Soo Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, taariikhdu markii ay ahayd Bishii 10-aad ee sanadkii 1963-kii.

Ra’iisul Wasaare Rooble waa Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.
Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay horumarinta dalka, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Abwaan Daaha Gaas” Anigu Golaha Deegaankaan U Sharaxanahay Abwaan Laab Saalaxna Wakiilada Ee Na Doorta”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Congo Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Odayaasha Dhaqanka Iyo Siyaasiyiinta Deegaanada Jubaland Oo Dacwada Ka Gudbiyay Axmed Madoobe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More