Qaramada Midoobay oo ka walaacsan amar kasoo baxay Militariga afgambiga ku qabsaday Niger.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay amar kasoo baxay Militariga Afgambiga ku qabsaday Dalka Niger oo xadidaya Hay’adaha kala duwan ee gargaarka si ay u gacansiiyaan dadka dhibaateysan ee awood ahaan liita.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay mid kala dhantaaleysa gargaarka Bani aadamnimo ee Hay’adaha ay siiyaan Dadka awooddoodu yar tahay ee u baahan in la gacan qabto.

Militariga ayaa arrintaan u sameeyay sababo la xiriira dhinaca amniga cabsi qabaan in faragelin shisheeye lagu sameeyo maadaama marar kala duwan hanjabaad uga timid dhinaca isbaheysiga waddankaas uu xubinta ka yahay ee ECOWAS.

Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad badan ay cunno la’aan heysato, haddii gurmad loo agaasimi lahaana ay waayeen dhabbihii ay u marsiin lahaayeen gargaarkaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Militariga awoodda ku qabsaday Dalka Niger ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa horay u xiray hawada dalkaas sabab la xiriirta in uu kahortago duullaanka ay ugu goodiyeen dalalka ay ku mideysan yihiin Ururka ECOWAS.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Jarmalka Kala Hadashay Taageerida Howlgalada Ka Socda Dalka

Bnnstaff Bnnstaff

Dhalinyaro Dib U Soo Nooleeyay Qadiyada Falastiin Xili Uu Maamulka Falistiiniyiinta Ka Seexday Arinkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Sheikh Cabdi Xayi “Waa In Aynu Cidhib Tirnaa Dadka Ku Kacaya Wax Yaabaha Aysan Diintu Raali Ka Ahayn”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More