Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa dhaqdhaaq ciidan oo iska soo horjeeda kawada Gobolka Sool, labada dhinac ayaa hanjabaad & digniin isku diraya iyada oo dadka deegaannada ay isku hor fadhiyaan ay ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo.
Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daadgureyneysay dhanka furimaha dagaalka si ciidankaas ay u xoojiyaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka ee damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobaha laga qabsaday.
Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadaas la geeyay qaybo kamid ah Gobolka Sool ay damacsan yihiin in ay gacanta ku dhigeen deegaanno ay sheeganeyso Somaliland in ay hoostagaan.
Madaxa ugu sarreeya SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa dhankiisa sheegay in aanay maamulkiisu duullaan ku ahayn Somaliland balse waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee ah in Laascaanood ay hoostagto.
Somaliland waxa uu khasaara xooggan ku gaaray dagaalkii SSC-Khaatumo ay ku qaaday Xerada Goojacadde 25kii Agoosto 2023, waxaana looga qabsaday Gaadiid, Hub, Xeradaas muhiimka ah iyo maxaabiis uu kamid yahay Faysal Cabdi Bootaan.
Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa ka digay in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo maadaama dagaalka labada dhinac ee horay u dhacay uu galaaftay nolosha dad aanay tira-koob rasmi ah lagu sameyn.