Wasiirkii Arimada Dibada Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Wasiir Kale Oo La Magacaabay

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka Axmed Ciise 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, waxaana uu sheegay in wareegtadan ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ka soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha November ee sanadka 2020.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir mudane Axmed Ciise Cawad.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Aabe Uu Wiil Kiisu Tahriib Ku Dhintay Oo Xabsiga La Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

FBI-da Maraykanka Oo Shaacisay In Ruushka Iyo Iraan Ay Hayaan Xogta Doorshada Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga ONLF Oo Ka Warbixiyay Khilaaf Soo Ka Dhex Jira Xisbigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More