Borama News Network

Madaxwayne Putin iyo Hogaamiye Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday Muxuuse Ku Saabsanyahay Heahiiskaasi

Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa ku warrameysa in labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhameystiran.

Arrintan ayaa uu hore u tibaaxay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo Putin ah.

Illaa hadda waxa heshiiskani yahay iyo waxa uu ka kooban yahay ma cadda. Balse warbaahinta ayaa isku deyeysa in ay xog ka hesho faahfaahinta heshiiskan.

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan qaatay laba saacadood sida ay baahinayso warbaahinta Reuters. Halka weftigoodii kale ay qaateen kulammo gaargaar ah oo soconayey saacad iyo badh.

Kulanka labadan hoggaamiye iyo saaxiibtinnimada dhaw ee dhexmaraysa labadan dal ayaa badanka waddammada reer Galbeedku aad uga walaacsan yihiin.

Related posts

Duulimaadyadii Dalalka Bariga Dhexe Oo Istaagay Ka Dib Weerarkii Ay Iran Ku Qaaday Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

Mustafa Cagjar: “Waxbarasho Iyo Macallimiin la baddelay ma jiraan balse Imtixaankii ayaa la adkeeyay”

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Yuhuudda oo Taangiyo dulmariyay Dad Shacab ah oo si qasab ah uga soosaareen Isbitaalka Al-Shifa

Abdiaziz Bnnstaff