Maamulka Galmudug Oo War ka Soo Saaray Xaalada Caafimaad Ee Madaxwayne Qoor Qoor

Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo maalinimadii shalay loo soo qaaday Magaalada Muqdidisho, kaddib markii uu ka badbaaday Qarax ka dhacay deegaanka Laasgacaneey oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga ee Galmudug Axmed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu Caafimad qabo, sidoo kale Wasiirka waxa uu xaqiijiyey in Madaxweynaha la soo gaariiyey Magaalada Muqdisho.

Wasiir Gaboobe ayaa xusay Qaraxii ka dhacay deegaanka Laasgacaneey in uu qasaare u geestay madaxdii ku sugneed deegaanka gaar ahaan guriga ay xilligaas ku sagnaayeen Mas’uuliyiintaan kaas oo markii dambe ku dumay.

“Madaxweynaha wuu fiican yahay, Xamar wuu gaaray laakiin wax dhib ah oo la dhihi karo culus ayaa gaaray ma jiro, marka xaaladda Madaxweynaha waa sidaas,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Galmudug Axmed Cabdi Aadan (Gaboobe).

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo soo duubay muuqaal uu uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa Jimcihii ka dhacay Deegaanka Laas-Gacamay ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay caafimaad qabaan isaga iyo mas’uuliyiintii la joogtay xiligii uu qaraxa ka dhacay deegaanka.

Maalmaha soo socda ayuu tilmaamay in guullo muhiim ah oo waa weyn oo dagaalka ay ka gaareen ay soo bandhig doonaan, waxa uu qaraxii ka dhacay deegaanka ku sheegay in uu muujinayo soo gabagabeynta isku dayada Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Related posts

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Sharciyaysay In La Caawiyo Qofka Doonaya In Uu Isdilo

Bnnstaff Bnnstaff

“Midnimada Somaliya Iyo Somaliland Waxay Ku Iman Kartaa Uun…” Ex Raysal Wasaare Ku Xigeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More