Baarlamaanka Puntland Oo Wada Qorshe Muddo Kordhin Loogu Sameynayo Madaxweyne Deni

Xildhibaannada baarlamanka Puntland ee ka tirsan xisbiga Kaah ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne i Deni ayaa wararku sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay Baarlamaanka Puntland ka dhex waday olole mudda kordhinta loogu sameynaayo Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni .

Warar ayaa sheegaya la diyaariyay mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah loogu sameynayo Madaxda Maamulka Puntland.

Talabada ay qaadeen Xildhibaanada Xisbiga Kaah ee ku jira Baarlamaanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka careysiisay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah kuwaas la sheegay in qorsheynaya sidii Jawaab ay uga bixin lahayeen damaca Muddo kordhinta eek u fikirayaan Xildhibaanada Taageersan Madaxweyne Deni

Muddo xileedka Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in ay wax ka yar 3 bilood ay ka hartay Waxana siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ay doonayaan in deg deg ku dhacdo doorashada Madaxweynaha .

Related posts

Buqortooyada Sucuudiga Oo Lagu Eedeeyay Xadgudubyo Ka Dhan Ah Xuquuqda Aadanaha

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe Oo Fariin U Diray Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Maamulka Koonfur Galbeed

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarada Ku Burburtay Gudaha Dalka Iraan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Diyaaradaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More