Shariif Sheekh Axmed: “Ummadda Soomaaliyeed waxa ay go’aansadeen in ay cadawga iska dhiciyaan”.

Madaxweynihii 7aad ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya Xildhibaan Sariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dalka ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u istaagtay sidii ay isaga dhicin lahaayeen ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tusaale usoo qaatay labada wiil ee ku dhimatay qaraxii shalay ka dhacay Deegaanka Laas-Gacamay ee Gobolka Mudug oo uu tilmaamay in ay naftooda u hibeeyeen sidii ay u badbaadin lahaayeen madaxdii ay la socdeen.

Waxa uu intaas ku daray in ay heli kareen fursado ay uga baxsadaan goobta balse arrintaas naftooda ay ku waayeen ay u sameeyeen sidii ‘AS’ looga hortagi lahaa weerarka qaraxa ay soo abaabuleen waa sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka dhalinyaradaas ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay in uu ahaa mid muujineysa sida ay uga go’an tahay la dagaalanka ‘AS’ in laga hor istaago khasaaraha ay damacsanaayeen in ay ku geestaan weerarkaas waa sida uu yiri.

“Waxa aan rabaa in aan ka gudbin wixii maanta dhacay, allaha u naxariisto labada wiil ee ku shahiiday Galmudug, runtii waxa ay muujiyeen Sharaf & dadnimo, in ay ogolaadaan inay naftooda go’do si ay dad kale u badbaadiyaan arrintaas waa mid aad u qiima badan, waxa ay muujinayaan in dadka Soomaaliyeed ay tusiyaan in ay ka go’an tahay in cadawga la iska dhiciyo, waay carari kareen balse jilibka ayay aasteen” Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa wadajir u sheegay in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyaga oo carrabka ku adkeeyay in aanay howlgalkoodu joojin doonin qaraxyada & weerarrada dhinaca ‘AS’ uga imaanaya.

Related posts

Jaamaca Eelo Oo Tababar Dhinaca Nadaafada Biyaha Iyo Fayadhawka Usoo Xirtay Ardayda Engineerng

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Askari Dil Ka Gaystay Gobolka Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqay Hadal Niyad Jab Ku Ah Dadka Tahriibayaasha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More