Alshabaab Oo Sheegtay In Ay Gobolka Bako Ku Laysay Askar Itoobiyaan Ah

Kooxda al- Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay ka dhacay gobolka Bakool ee Soomaaliya, oo u dhaxeeyay iyaga iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

War ka soo baxay al-Shabaab oo lagu faafiyay warbaahinta taageeta kooxdaas ayaa lagu sheegay in weerarku uu ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kadibna uu dhacay dagaal toos ah oo dhinacyada dhex maray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaas ay ku dishay 167 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, balse BBC-du ma xaqiijin karto sheegashadaas.

Mana jirto sidoo kale cid kale oo si madax bannaan u xaqiijinaysa khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Muwaadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Hooyo Quraanka Kariimka Ah Mar Ay Wada Dhameeyeen Ilmihii Ay Uurkiisa Lahad Markii Ay Bilawday Quraanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More