Mareykanka iyo Shiinaha Oo Ka Wada Hadlay Arimo Xasaasiya

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Biden ayaa laba maalmood oo wadahadal ah kula yeeshay Malta diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Jake Sullivan iyo Wang Yi ay ka wada hadleen ammaanka, dagaalka Ukraine iyo arrimaha Taiwan.

Washington iyo Beijing labaduba waxay ku tilmaameen kulammada kuwo “wax-ku-ool ah oo waxtar leh.”

Wadahadallada Malta ayaa imaanaya maalin ka hor iyadoo la filayo in Mr Wang uu gaaro Moscow galinka dambe ee maanta si uu ula kulmo madaxda Ruushka.

In kasta oo ay xulafo la yihiin Ruushka, Shiinuhu waxa uu mawqif aan mugdi ku jirin ka qaatay dagaalka Ukraine.

Related posts

James Swan “Qaramada Midoobay Waxay Taageero La Garab Taagan Tahay Dhibanayaasha Soomaaliyeed”

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Soo Bandhigay Saanad Milatari Oo Cusub Iyo Mucluumaad Kale Oo Xiiso Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ku Gacan Saydhay Warbixin Ka Soo Baxday Gudiga Qiimeynta Madaxa Bannaan Ee Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More